Gabar Somali ahayd oo ku geeriyootey qarax ismiidaamin oo ka dhacay Kabul

Kabul (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in qarax ka dhacay ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta dalka Afghanistan dadka ku dhintay ay ku jirto gabar Soomaali ah oo shaqeeneysay Qaramada Midoobay.

AUN, Gabadha oo lagu magacaabi jiray Basra Faarax ayaa ka mid ahayd ugu yaraan labaatan qof  oo ku dhimmatay qaraxa habeenkii xaley ka dhacay Maqaayad ku taalla magaalada Kabul.

Marxuumada ayaa la sheegay in ay walaalo ahaayeen Nuuradin Faarax oo qoraa caan ah.

Gabadhan ayaa la sheegay in ay ahayd Somali Maraykan, waxaana ay in muddo ah la shaqeeneysay hey’addaha Qaramada Midoobay.

Siddoo kale, qaraxa Kabul waxaa kaloo ku dhintay madaxii Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF ee Afghanistan, Wadel Abdallah, iyo afar shaqaale oo u shaqeeya Qaramada Midoobay oo ay ku jirto Marxuumad Basra.
Wararka la xiriira

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Banki Moon, ayaa cambaareeyay weerarka isagoo ku tilmaamay wax xun.

Banki Moon, ayaa sheegay in weerarka lala beegsado rayidka ay yihiin wax aan la aqbalayn oo ka soo horheeda sharciga bini’aadannimada caalamiga.

Maqaayada oo ku taala meelaha ugu qaalisan Kabul, ayaa waxaa u badnaa ajnabiga iyo shaqaalaha dowladda. Saddex iyo toban qof oo ka kala yimid Canada, Ruushka, Labnaan iyo Britain ayaa dhintay, dadka intiisa kale waxay u dhasheen Afghanistan. Waxaa ku jiray dadka dhintay ninkii lahaa maqaayada oo ka yimid Labnaan.

Taliban ayaa sheegay inay weerarka qaadeen. madaxweynaha Afghanistan Hamid Karzai ayaa cambaareeyay weerarka, isagoona war qoraal ah soo saaray ku sheegay haddii ciidamada Maraykanka ay hoggaaminayaan ee Nato oo garab ay siinayaan shacabka reer Afghanistan in la bartilmaameesan karo waxa uu ugu yeeray “Argagixisada”.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com