Xog: Mid ka mid ah wasiirada cusub ee DF oo u dhaw in uu xilka iska casilo

Muqdisho (Caasimada Online) War aaan dhawaan ka helnay mid ka mid ah Xubnaha Wasiirada DF Somalia dadka ku dhaw dhaw ayaa waxa ay sheegayaan in saacdaha soo socdo lagu wado in uu is casilo Wasiirka Daa’uud  Max’ed Cumar.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku dhaw dhaw Wasiirka Macdanta Daa’uud  Max’ed Cumar ayaa waxa ay cadeeyeen in wasiirka uu sheegay in uusan u qalmin xilkaas loo magacaabay sidaas darteed uu isku casilaayo.

Wasiirka ayaa maalmahan waxa uu kulan lalahaa Odayaasha Beeshiisa ugu danbeyntiina waxa ay isla garteen in beesha aysan xilkaas u qalmin sidaas darteed ay iska casilaan si xil ka wanaagsan loogu magacaabo.

Iminka Wasiirka Macdanta Daa’uud  Max’ed Cumar ayaa waxa uu wada tashikii ugu danbeeyay laleeyahay qaar ka tirsan Wasiirada oo iyagana la sheegay in ay doonayaan in ay iscasilaan.

Hadii uu Wasiirkaan ku dhwaaqo in uu is casilo ayaa waxa uu noqonayaa Wasiirkii ugu horeeyay ee Xilkaan iska dhiibay waxaana ka horeeyay laba Wasiir ku xigeen oo horay isku casilay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com