AXMED SIILAANYO oo runta u sheegay dowladda Soomaaliya (Faah-Faahin)

Barbara (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta oo Sabti sheegay Somaliland in aaney mardambe la midoobi doonin Soomaaliya, wuxuuna dadka reer Somaliland u caddeeyay in arrintaas ay tahay mid muqadas ah oo ka timid rabitaanka dadweynaha reer Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafadda kula hadlaayay magaalada Berbera ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay siddii markale loo mideen lahaa labada dhinac, “Laakin waa habeenkii xaley oo tagay” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso siddii shirka ka socda Istanbul looga hadli lahaa in la midoobo markale, balse arrintaas cid aan ugala gorgortameeno ma jirto ayuu yiri.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadalkan sheegay isagoo ku sii jeeday magaalada Paris ee xarunta dalka Fransiiska, halkaasoo uu ka helay casumaad rasmi ah, oo la xiriirta shirkad dooneysa in ay ballaariso howlaha dekedda Berbera.

Siddo kale, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in tagi doono magaalada London ee dalka Britain, halkaasoo fasax iyo caafimaad uu u tagi doono.

Si kastaba, waxaa maalintii saddexaad galay wahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uga socda magaalada Istanbul ee waddanka Turkey-ga.

Labada dhinac ayaanan weli guda gelin qodobada ugu muhiimsan kullanka, iyadoo dhinackasta uu ku adkeysanayo mowqifkiisa ku aadan midnimada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com