Gaas oo ku wargaliyay DF Soomaaliya in ay iska bixiso hal milyan oo dollar!!

Garowe (Caasimada Online) – M/weynaha maamulka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas oo booqasho manta ku tagay halkii ay duufaanta  duuufanada ku dhufteen ayaa waxa uu sheegay in wali dadkaas ay dhibaato qabaan.

M/weyne Gaas ayaa ugu baaqay DF Somalia in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixiso lacagihii ay u balan qaaday in ay siineyso dadkii ku waxyeeloobay  Duufaanadaas.

Sidoo kale Gaas ayaa sheegay in lacagahaas hadii la helo dadkaan wax weyn loogu qaban doono sidaas darteed uu ka codsanaao in DF Somalia lacagtaas ay ku bixiso shuruud la’aan.

Ugu danbeyntii M/weynaha Puntland ayaa balan qaaday in ay iyaga wax weyn u qaban doonaan dadkii guryahooda ku waayay isla markaana ay dib u dhis u sameyn doonaan.

Si kastaba R/wasaarihii hore ee DF Somalia Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa horay u balan qaaday in xukuumadiisa ay ugu deeqday dadkii wax ku noqday Fatahaadihii Puntland balse ilaa iyo hada ma aysan jirin wax la gaarsiiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Garowe

Caasimada@live.com