Olole golaha wasiirada cusub ka dhan ah oo ka socda Hotelada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Olole ka dhan ah Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay habeen hore Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa ka socda qaar ka mid ah Hotelada ku yaal magaalada Muqdisho, halkaasoo ay is uruursi ka wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, ololahan ayaa bilowday shalay gelinkii dambe, iyadoo abaabul xoog leh uu ka socdo labo ka mid ah hotelada Muqdisho oo xildhibaanada kulamo ka wadeen.

Qorshaha abaabulkan ayaa ah sidii codka kalsoonida loogu diidi lahaa maalmaha soo socda Golaha Wasiirada cusub oo uu Ra’iisul Wasaaruhu horkeeni doono Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mucaaradada ka horyimid Golaha Wasiirada cusub ayaa bilaabatay markii labo ka mid ah Wasiir kuxigeenadii habeen hore la magacaabay ay shalay is casileen, waxaana tani ay wal walka ku sii kordhineysaa Xukuumada cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe ay isku casilayaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada la magacaabay, iyadoo qaar ka mid ah beelaha ay saluugsan yihiin Wasiirada loo qoondeeyay oo ay ku tilmaameen kuwo aanay u cuntami karin.

Abaabulka Xildhibaanada wadaan ayaa ah sidii ay Xukuumada ka kooban 55 wasiir ay u ridi lahaayeen, iyadoo Baarlamaanku xilligan aad u kala qeybsan yahay, hadana waxaa la ogeyn sida uu uga gudbi karo caqabada koowaad ee soo wajahday Ra’iisul Wasaaraha oo ah kalsoonida Baarlamaanka.

Magacaabista Golaha Wasiirada oo aheyd mid daahday ayaa waxaa ka jiray is qab qabsi iyo murano xoogan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Madaxweynaha uusan ku qanacsaneyn Wasiirada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, kadib saacado ay wada hadal ku lahaayeen Madaxtooyada oo aaqirkii dambe keentay in munaasabadii ku dhoweyd inay dib u dhacdo uu Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh uu keligiis kaga dhawaaqay Golihiisa Wasaarada, balse mar dambe War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha lagu sheegay inuu aqbalay soo jeedinta Golaha Wasiirada.

Isha warka: Jowhar