Wada-hadallada Istanbul: S/Land oo ku dhegtay hal qodob oo muhiim u ah

Istanbul (Caasimada Online) – Magaalda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa wali ka socda shirka ay ku wada hadlayeen DF Somalia iyo Maamulka Somaliland, ee waqooyiga Somalia.

Wasiirka Amniga Qaranka ee DF Somalia C/kariim Xusen Guled oo lahadlay Laanta Afka Somalia ee BBC-da ayaa sheegay in hada ay wada hadalada Meel fiican ay marayaan laguna wado in birito lasoo gabagabeeyo.

C/kariim Xusen Guuleed ayaa sheegay in hada ay isla garteen labada dhinac laba qodob oo ah in la dhameestiro heshiiskii horay loo gaaray iyo in  la sii wado wadahadalada ku aadan dhanka wadaxaajoodka labada dhinac.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  ayaa sheegay in ay meel fiican ay mareyso wadahdalka labada dhinac balse waxa uu sheegay in iyaga go’aankooda uu yahay in Somaliland ay ka goosatay Somalia.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa cadeeyay in iyaga markii hore ay ku soo biireen Somalia hadana ay go’aansadeen in ay gooni noqdaan sidaas darteed ay u taagan yihiin in Somaliland ay tahay dal gaar u taagan, qodobkaasna ay ku dheggayaan oo aysan marnaba ka tanaasuli doonin.

Si kastaba labada maamul ayaa hada dhinac kasta waxa uu doonayaa in figirkiisa la qaato waloow Dowlada Turkiga ay sheegtay hadii labada dhinac ay heshiin waayeen afti laga qaadi doono shacabka oo la weydiin doono in Samaliland ay ka go’ayso Somalia iyo in kale.

Caasimada Online

Xafiiska Istanbul

Caasimada@live.com