Qarax xooggan oo ka dhacay Jowhar

Wararka laga helaayo degmada Jowhar ee gobalka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay qarax xoogan oo lagu tuuray ciidamo ka tirsan DF Somalia oo halkaas marayay.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaay midka gacanta laga tuuro waxaa uuna ka dhacay bartamaha Magaalada iyadoo ay ku dhinmatay gabar lix Sano jir ah iyo laba qofood oo iyagana halkaas marayay.

Ciidamada DF Somalia ee halkaa marayay ayaa la sheegay in uusan wax qasaaro ah ka soo gaarin qaraxaas balse waxaa ku wax yeeloobay dadkaan rayidka ah ee halkaas ka dhawaa.

Kooxihii qaraxa geystay ayaa ka baxsaday goobta waxaana islahalkaas howlgal ka sameeyay ciidamadii la weeraray ilaa yo hadana ma jirto cid ay u soo qabteen falkaas.

Dadka Jowhar ayaa aad uga naxay dhimashada gabartaas lixda  Sano jirto iyaga oo ka codsaday maamulka Jowhar in ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii falkaas ka danbeeyay.