Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka geystay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Onine) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gacanta ku dhigay nin hubeystaa oo saaka dil ka geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo loo geystay darwal waday mid ka mid ah gaadiidka Xamuulka ayaa ka dhacay nawaaxiga dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Muumin Axmed, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dila geystay uu ahaa burcad, islamarkaana uu doonayey inuu dhac u geysto marxuumka, balse waxaa gacanta kusoo dhigay ciidanka amniga.

Laamaha amniga oo ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha loo gudbiyey CID-da si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Shalay ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday degmada Balcad, kadib markii askari ku sugnaa degmadaas uu dilay nin darawal ahaa oo wadada ku socday.

Askarigaas ayaa sidoo kale lasoo qabtay, waxaana lagu wareejiyey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka geysta deegaanada ay ka howlgalaan, taas oo ay dhibaato weyn ku qabaan dadka shacabka ah.