Ciidamada amniga oo dad u soo qabtay dilkii Tiyeegow

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay, illaa saaka ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galka ayaa daba socday, dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegow) oo lagu toogtay xaafada Howl-wadaag.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa Booliska ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo looga shakiyey inay ku lug leeyihiin toogashada Marxuum Xasan Tiyeegow oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub laga soo bixiyey guri ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka ayaa sidoo kale intaasi ku daray inay sii wadi doonaan baaritaanadooda oo ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga guud iyo nabad-gelyada.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Beledweyne ka taagnaa xiisad ka dhalatay doorashadii HirShabelle ee lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe.