Ciidamada ammaanka oo xiray qaar ka mid ah waddooyinka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha & midka gaarka loo leeyahay.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray jidad dhowr ah oo isku xira waddooyinka Wadnaha & Maka Al-Mukarama oo u muhiim u ah isticmaalka dadweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay waddooyinkaasi ka celinayaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyada oo loo ogol yahay kaliya dadka lugeynaya.

Xirnaashaha waddooyinkan ayaa waxaa loo sababeynayaa kulanka maanta ee baarlamaanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana laga mamnuucay xildhibaanada qaar.

Arrintan ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeelatay shacabka magaalada Muqdisho oo aan horey loogu war-gelin xirnaasha jidadkaasi.

“Ciidamada ammaanka ayaa xitaa Gaadiidka Ardayda u diiday in ay ka gudbaan waddooyinka u xiran, Dadka da’aad kala duwan ayaa lugeynaya, qof weliba waxa uu ku weydiinayaa sababta loo xiray balse qofba wax ayuu ku sheegayaa, waxaa dib u dhac waqti ku yimid shaqaalaha, Ardyada & Dadka u socda Goobaha Caafimaadka,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Inta badan ciidamada ammaanka ayaa hakiya dhaq-dhaqaaq waddooyinka marka ay dhacayaan shirarka waa weyn ama Muqdisho ay imaanayaan wafuuf caalami ah.