Kulankii BF oo furmay iyo xubno lagu ansixiyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulankii golaha shacabka ayaa furmay iyadoo ay ka maqan yahiin 15-ka xildhibaan ee laga mamnuucay iney yimaadaan shanta kulan ee soo socota kadib fowdo ay sameeyeen kalfadhigii sabtidii la rabay iney yeeshaan golaha shacabka, waxaana maanta la ansixiyay xubno.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa furitaanka kulanka ka hadlay, wuxuuna sheegay in 139 mudane ay xaadir yahiin, wuxuuna sheegay in kaliya saddex ajende ay miiska saaran kuwaas oo kala ah: Cudurka Cronavirus, u Codeyn Laba Xubnood oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha halka meesha laga saaray Ajandaha Saddexaad ee ahaa Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Labada xubnood ee kala ah Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza ayaa cod loo qaaday iney ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, waana la ansixiyay.

Gudoomiye Mursal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in 136 mudane ay u codeysay in labadaas xubnood ay ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha, sidoo kalana sadex mudane ay ka aamustay, mana jirin cid diiday.

Laba ajande ayaa dhiman oo ah mid ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Covid19 iyadoo wasiirka caafimaadka xukuumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ay warbixin ku saabsan xanuunkaan baarlamaanka u akhrineyso, waxaa xigi doona in laga hadlo ajandaha saddexaad oo ah Qaxootiga Qaranka.