Qodob cusub oo lagu soo daray ajandaha kulanka BF iyo 2 halis oo ku gadaaman

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kulan la hor keeni doono illaa seddax ajende, welina waxaa jira tuhun weyn oo laga qabo kulanka berri.

Ajendayaasha lagu war-geliyey xildhibaanada in la hor keeni doono ayaa kala ah:

1- Cudurka COVID-19
2- U codeynta laba xubnood oo guddiga Madaxa-banaan ee xuduudaha ku biiraya.
3- Iyo u codeynta sharciga qaxootiga qaranka.

Kulanka ayaa ah kii Isniintii la baajiyey, kaasi oo ay markaas horyaalleen labada Ajende oo hore, halka ajandaha seddaxaad dib looga soo daray.

Kulanka ayaa waxaa ku gadaaman laba halis, oo mid ay tahay in lagu sameeyo muddo kordhin sharci-darro ah oo qalalaase iyo dagaal sokeeye dalka u horseeda, halka midda labaadna ay tahay xildhibaanada laga joojiyey kulanka oo ay suurta-gal tahay in tegitaankooda uu horseedo isku dhac hubeysan.

Guddoomiye waqtigu ka dhammaaday ee golaha shacabka ayaa si sharci darro ah u amray ciidanka madaxtooyada inaan lasoo deyn 15 xildhibaan, waxaana suurta-gal ah in arrintan ay horseedo dhibaato loo gaysto xildhibaanada.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa wacad ku maray inay tegi doonaan kulanka. ” Fariinta Xildhibaanada loo soo diray ee lagu wargelinayo in uu jiro kulankii Golaha Shacabka beri oo Arbaco ah hada ayay na soo gaartay. Waanan tagaynaa kulankaas beri inshaa’allah. Wixii dhibaato ah oo nagu soo gaara sababta waraaqdii sharci darada ahayd ee Maxamed Mursal naga qoray 27 bishaan mas’uuliyadeeda isaga ayaa si shaqsi ah u qaadaya,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Sabtidii la soo dhaafay xildhibaanada golaha shacabka ayaa isugu yimid kulan loo balamiyey, balse dood adag ayaa ka dhalatay ajendihii kulankaas, kadib markii xildhibaanada qaar ay ku doodeen in aysan jirin baahi loo qabo in ka hadalka Coronavirus la keeno fadhiga golaha, iyadoo guddigii loo xil-saaray aysan soo gudbisan wax codsi ah.

Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyey kulankii maalintii Sabtida ee golaha shacabka, waxaana la ganaaxay illaa 15 xildhibaan oo guddoomiye Maxamed Mursal uu saxiixay in aysan kasoo qeyb geli karin shanta kulan ee soo socota ee xildhibaanada  golaha shacabka.

Tuhunka ugu weyn ee hadda laga qabo kulamada golaha shacabka waa inuu dhaco mudo kororsi la sheegay inuu gadaal ka riixayo madaxweyne Farmaajo, isla markaana loo adeegsanayo guddoomiyaha golaha Maxamed Mursal.

Waxaa laga war sugayaa waxa ka soo bixi doona hadii uu qabsoomo kulankaan tuhunka badan abuuray iyo inay ka soo qeyb galaan xildhibaanadii laga mamnuucay ka qeyb galka shanta kulan ee soo socota.