Madaxweyne el-Sisi oo ku hanjabay in Itoobiya ay la kulmi doonto waxaysan weligeed horey u arag

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-sisi ayaa digniintii ugu kululeyd u jeediyay Itoobiya oo uu kala dhaxeeyo muranka webiga Nile, isagoo ku ugu hanjabay in haddii ay biya xireenka Nile ee Itoobiya ku howlan uu saameyn ku yeesho inay la kulmi doonto cawaaqib xun oo weligeed aysan kasoo kabsan doonin.

Hadalkaan ayuu madaxweyne Abdel Fattah El-sisi ka sheegay xili tallaadadii ka hadlayay marin biyoodka Suez ee maalmihii lasoo dhaafay uu xayiray markab ka timid dalka Shiinaha kuna sii jeeday dekadda Rotterdam.

“Waxaan mar kale iyo mar kale ku celinayaa in aysan jiri doonin cid qaadan karta dhibac ka mid ah biyaha Masar, haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin,” ayuu yiri madaxweyne El-sisi.

Madaxweyne Abdel Fattah El-sisi ayaa carabka ku dhuftay in aysan jirin cid ay u goodinayaan, laakiin danahooda iyo nolosha maalaayiinka qof ee Masar in la waxyeeleeyo ay u sameynayaan sidii loo difaaci lahaa dadkaasi.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in dalkiisa uu sii wadi doono wada-hadalada ku saabsan muranka Nile ee kala dhaxeeya Itoobiya iyo Sudan.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka si looga faa’iideysto kheyraadka biyaha webiga Nile ee dalkeeda sii mara, taasoo ay ku doodeyso inay faa’iido u tahay gobolka oo dhan, hase ahaatee dowladdaha Masar iyo Sudan ayaa si cad ugu soo horjeeda qorshahaasi, iyagoona diyaar u ah in wada hadal lagu xaliyo murankaasi.