Xog: FARMAAJO oo saddex jeer laga baajiyay safar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo saddex jeer ah laga baajiyay safar uu ka aadi lahaa dalalka Eritrea Ethiopia. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in xubnaha beesha caalamka ay Madaxweyne Farmaajo ku cadaadiyeen in uu ka baaqdo safar dalka dibadiisa ah ilaa laga heshiiyo arrimaha doorashada Soomaaliya. 

Xogtan oo aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in qorshaha safarka Farmaajo uu ahaa ka qeybgalka heshiis amni oo u dhaxeeya dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea laakiin lagu cadaadiyay in uusan ka bixin dalka ilaa xal laga gaaro muranka doorashooyinka. 

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale shalay shaaca ka qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, in kasta oo markii dambe ay beenisay Villa Somalia. Si kastaba, Caasimada Online ayaa in warka Cumar Cabdirashiid uu sax yahay, balse beesha caalamka ay cadaadisay Farmaajo.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo ilaa hadda aan laga quusan ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu qorshihiisa qeyb ka yahay xagal daacin shirarka Muqdisho ka socda ee looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya iyo khilaafka culus ee u dhaxeeya hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya. 

Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online sheegaya in Madaxweyne Farmaajo beesha caalamka u sheegay in shirka muhiim u ahay islamarkaana uu rabay inuu Asmara tago toddobaadkii hore, oo ay wada joogeen madaxda Itoobiya iyo Eritrea. Wuxuu mar kale laba goor isku dayey toddobaadkan inuu tago Addis-Ababa, taasi oo beesha caalamka ay mar kale ka diiday.

Wakiilada beesha caalamka ayaa aaminsan in haddii uu baxo Madaxweyne Farmaajo, ay sidoo kale Muqdisho ka tegi doonaan madax goboleedyada, taasi oo wiiqi doonta dadaal lagu raadinayo heshiis doorasho.