‘Duuliye sare oo Al-Shabaab la qorsheynaya’ inuu weerar diyaaradeed ka fuliyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Halis iyo cabsi xooggan ayaa soo wajahday dowladda Kenya kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo qeexaya suuragalnimada mid ka mid ah muwaadiniintooda qibrada u leh duuliyenimada oo ku biiray Al-Shabaab inuu qorsheynaayo weerar diyaaradeed oo Al-Shabaab soo abaabushay ka fuliyo gudaha Kenya.

Sida ay uu baahiyay telefishinka CTV,   Sirdoonka iyo hay’addaha amniga oo macluumaadkaan soo bandhigay ayey ku shaaciyeen in Rashid Mwalimu oo in mudo ah la baadi goobayay ay booliska soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan Rashid Mwalimu oo xiligaan ku sugan Soomaaliya.

Rashid Mwalimu oo booliska la dagaalanka argagixisada baadi goobayaan ayaa waxay ku sifeeyeen nin halis ah khatartiisana leh oo duuliye tababaran, howhsiisana tahay inuu fuliyo howlgal diyaaradeed isagoo xubin ka ah ururka Al-Shabaab.

Hay’adda amniga Kenya ayaa rumeysan in Rashid Mwalimu uu qorsheynaayo in Kenya uu kusoo laabto si uu u fuliyo qorshahiisa Al-Shabaab soo abaabushay.

Warbixinta sirdoon waxay kalooo sheegaysaa in Rashid Mwalimu uu tababar kusoo qaatay dalka Philippines isaga iyo saaxiibkiis Cholo Abdi Abdulla oo bishii July 2019 lagu qabtay dalka Philipine oo uu wax ka baranayay machadka duulimaayada All-Ais.

Qabashada Cholo Abdi ayaa ka danbeysay markii uu saaxiibadiis la wadaagay qorshahiisa ah inuu afduubto diyaarad si uu u fuliyo weerar la mid ah kii 9/11 ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa aaminsan in Cholo uu lix qodob oo dambiyo ah uu wajahayo oo la mid ah weerarkii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday isagoo qorsheynayay inuu afduubto diyaarad uu ku fuliyo weerarkii 9/11 oo kale.

Cholo iyo Mwalimu ayaa ahaa saaxiibo aad isugu dhow waxayna ku biireen Al-Shabaab sanadkii 2015, iyagoona mar qura tababartay isla markaana fuliyay weeraro joogto ah oo ka dhacay Somalia ka hor inta aan loo dirin qorshaha duulimaad ee loogu soo diyaariyay koorsada duilimaad.
Warbixinta sirdoon waxay kaloo tilmaamtay inay saaxiibo dhow ahaayeen hoggaamiyihii weerarkii hotel DusitD2 ee Nairobi Salim Gichunge “ aruq” iyo Osman Geeddi oo geystay dhimashada dad badan.

Ugu danbeyntii hay’addaha amniga Kenya ayaa shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyeen sidii warbixin looga heli lahaa Rashid Mwalimu oo qorshahiisu yahay inuu ka dhabeeyo qorsahiisa ah weerar uu ka geysto Kenya.

W/Turjumay Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
London Uk