Ciidamo la dhigay jidadka gala madaxtooyada iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ku yeelan doono xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay saameynta Covid-19.

Kulankan oo ah mid isha aad lagu hayo ayaa daba socda, fadhigii uu buuqa hareeyey ee ay xildhibaanadu ku kula kaceen Sabtidii lasoo dhaafay, kadib markii xildhibaanada qaar oo ka cabsi qabay muddo kororsi ay billaabeen fowdo iyo buuq hareeyey kulanka baarlamaanka.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo golaha shacabka ayaa sheegaya in goor dhow uu bilaaban doono kulanka, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xarunta golahaasi.

Sidoo kale waxaa jira dood weli ka taagan go’aankii guddoomiye Mursal uu kulamada baarlamaanka uga mamnuucay illaa 15 mudane, kuwaas oo wacad ku maray inay tagayaan xarunta Villa Hagreysa, islamarkaana ay qeyb-galayaan kulanka maanta.

Wariyeyaal tegay xarunta ayaa sidoo kale sheegay in albaabka hore la dhigay sawirrada xildhibaanada loo dooday inay ka qeyb-galaan kulankaasi, si u celiyaan ciidanka amniga.

Xaaladda ayaa ka duwan sidii hore, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka soo-gala madaxtooyada, gaar ahaan wadada ka timaada dabka ee gasha madaxtooyada, wadada isgoyska Ceelgaabta iyo tan ku xigta ee hormarta Bacadlaha Xamarweyne.

Ciidamada la dhigay waddooyinkaasi ayaa gaadiidka baaraya, iyaga aqoonsiyo weydiinayo, halka kuwa kalena ay ka celinayaan halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo go’aanada kasoo baxaya kulanka golaha shacabka oo kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo lagu jiro marxalad kala guur ah.