Biixi oo qaaday tallaabo ka dhana mas’uul ay is-hayeen WASIIR ay isku dhow-yihiin

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhoweyd waxa uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista Madaarada, kaasi oo uu maalmihii dambe khilaaf kala dhaxeeyay Wasiirka Gaadiidka.

Sidoo kale waxa uu xilkaas u magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle oo hore u ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa u muuqda mid garabka saaray Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, midaas oo soo dadajisay xil ka qaadista Maariyihii guud ee Hay’adda duulista iyo madaarada, oo ay si weyn isku hayeen.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada.
Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.