Beesha Caalamka: Dal dumi raba kama joojiso ee marka uu burburo ayey caawisaa

Markii ay Soomaaliya qarannimada heshay,1960-kii, muddo 9 sano ah (1960 – 1969) ayey ku raaxeysatay dimoqraadiyad iyo xornimo siyaasadeed. Waxay Soomaaliya yeelatay dastuur qaran. Doorashooyin dastuuri ah ayaa dhawr jeer ka dhacay dalka. Xilka ugu sarreeya dalka ayey ku kala wareegeen hoggaan dalka. Qof kasta, iyada oo aysan caqabad ku ahayn qabiilkiisa iyo deegaankiisii hore, ayuu doorashada ka gali karay halka uu joogo. Soomaalinimada ayaa aad u sarreysay. Sidaas iney ku sii socoto ayaa ummadda aragti u ahayd, laakiin ma dhicin.

Taliskii Maxamed Siyaad Barre

1969-kii, markii uu Kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre xukunka xoogay, waxa uu laalay dastuurka qaranka; Baarlamaankii ayuu kala eryey; waxa uuna xabsi geliyey cid kasta oo uu u arkay ineysan ogoleen afgambigiisa. Intaas kuma ekeysanee, waxa uu billaabay inuu si muuqata iyo si qarsoodi ahba u dilo qof kasta oo uu u arkay iney diidan tahay afgambigiisa. Intaas waxaa u dheereed inuu hantida qaranka sida uu doono ugu tagri-falayey.

21 sano oo qalqal iyo cabsi ah ayuu Siyaad geliyey dalka, waxayna arrintaas sababtay iney bilaabato iska caabin iyo iney shacabku, karaankooda, iska difaacaan arxan darrida Siyaad. Jabhado (SSDF, SNM, USC iwm) ayaa ka kacay Soomaaliya 1978 – 1991. Taas waxay horseeday xasuuqyadii magaalooyinka Hargeysa, Burco, Muqdisho, iyo gobolada Bari, Nugaal, Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa si wadar ah ama kali ah, si la og yahay ama qarsoodi ah, uu Siyaad u xasuuqay shacab leh siyaasi, wadaad, ganacsade iyo saraakiil ciidan oo hore. Taariikhaha dhacdooyinkii ugu waaweynaa, ee uu sida naxariis darada ah dadka ugu laayey, waxaa ka mid ah: 1978, 1980, 1988, 1989 iyo 1991-kii. Dhamaan sanadahaas waxa uu Siyaad geystay xasuuq aad u xanuun badan oo lagu lagu waayey boqolaal kun naftooda, taas oo kaliftay in illaa iyo hadda ay Soomaali is aamini la’dahay, una qeybsanto qabiil-qabiil.

Dowladda Farmaajo

2000 – 2017, Soomaaliya dadaal xoog leh ayey u gashay iney dib u soo ceshato qarannimadeedii. Madaxweynayaashii dalka soo maray intii u dhaxeysay sanadahaas mid kasta wuxuu dowladnimada ku daray wax uun hormar ahaa. Si qunyar socod ah, oo dadka la isku soo dumayo, iyadoo laga ilaalinayo xanafyada qabiilka iyo dib u soo gocoshada nabaradii lagu geystay Dowladdii Kacaanka, ayaa lagu soo barbaariyey dowladnimada la haysto. Tanaasul, dulqaad iyo wadar-ogol ayaa Soomaaliya u ahayd dabci siyaasadeed Farmaajo hortiisa.

Laakiin 2017 – 2021, wixii ka dambeeyey markii uu Farmaajo talada Soomaaliya qabtay, waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) si aan gambasho lahayn u jileysay kaligii-talisnimo. Ciidanka ayey ku weerartay siyaasiyiin, ku leysay dad isugu jiray rayid iyo ilaalo siyaasiyiin mucaarad ahaa, kuwaas oo qaarkood xabaal wadareed lagu aasay. Caburinta leh diidmada isu-soobaxa, isu imaatinka, cabiridda ra’yiga iwm ee uu Farmaajo sameeyey tiro iyo xisaab maleh. Si kasta oo uu u muujin karay inuusan sharci iyo dastuur dan ka lahayn ayuu sameeyey.

Dadkii lagu laayey dibadbixii Baydhabo, si doorashadii Koonfur Galbeed loo boobo, weerarkii lagu go’doomiyey, kadibna looga musaafuriyey Galmudug saraakiishii Ahlu-sunna, xatooyada doorashadii ugu dambeysay ee HirShabeelle, cunno-qabateyntii shacabka Kismaayo, abuuridda xasarado qabiillo isla degan, kuwaas oo qaarkood loo maray doorashooyin la boobay, ciidanka oo xoog uga horyimid tiro dhawr jeer ah banaanbaxyo nabadeed, caburin iyo manaxaanimo xad dhaaf ah oo aan laga garaabeyn, ayuu Farmaajo si joogto u isticmaalayey.

Isagoo laaluush xad ka bax ah ku bixinaya, eex iyo nin necbeysina dhaqan ka yeelanaya, ayuu Farmaajo hubiyey inuu waxaan ka dhigay Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu fogeeyey oo qarka u saaran inuu ceel ku dhaco wada-xaajoodkii Soomaaliya iyo Somaliland. 100% ayuu Farmaajo ku guuldareystay inuu doorasho ka qabto dalka. Hadda, oo uu dhawr bil xilka ka dhacsan yahay, wuxuu wali u shaqeynayaa sida Madaxweyne sharciya.

Go’aanka Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya

Beesha Caalamka iskuma dayin iney ka hor timaado ama xitaa cambaareyso kaligii-taliye Maxamed Siyaad Barre illaa ugu dambeyn ay Soomaaliya weysay dowladnimadeedii iyo wadajirkeedii 1991-kii. Waxaa xanuun kale ah in Farmaajo, oo sidaan kor ku soo xusnay si muuqata u jilaya dhaqankii Kacaanka, aysan hal erey oo ay runta ugu duur-xuleyso soo qorin ebad.

Markii dalka laga eryey Nicholas Haysom kadib markii uu cambaareeyey xasuuqi Baydhaba, waxay noqotay markii ugu dambeysay ee beel caalam ay ka hadasho xadgudubyada ka socda Soomaaliya. Beesha caalamka kama cabsaneyso Farmaajo, wayna ogyihiin in waxa uu sameynayo ay burbur kusii ridayaan Soomaaliya, oo markii horeba burbursaneyd, balse waa sida ay dooneyso, sababtoo ah Beesha Caalamka dal dumaya kama joojiso burbur ee markuu burburo ayey waqti gelisaa iney caawiso, si mashruuca balaayiinta dollar ee lagu cuno dalalka dhibaatooyinka ka jiraan uu usii socdo.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid