Xog: Rooble oo la kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinka dambe ee maanta kulan gaar ah la qaadan doono hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa ka dhacay xeyndaabka xerada Xalane, waxaana garwadeen ka ah beesha caalamka, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wakiilada beesha caalamka ayaa si gaar ah ula kulmay dhinacyadan, iyaga oo ugu dmabeyn ku guuleystay inay labada dhinac aqbalaan isa soo hor-fariisigooda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saaro xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka hareeyey doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo muddo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka biyo diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashooyinka, iyada wada-hadallada labada dhinac uu gaabis noqday, kadib shuruudo ay miiska soo saareen Jubbaland iyo Puntland.

Si kastaba beesha caalamka ayaa horey u kulansiisay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo si gaar ah uga wada-hadlay arrimaha doorashooyina dalka ee 2021-ka..