Xog: Shirarkii 5-ta madax goboleed oo u hakaday 3 qodob oo la isku hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hakad uu ku yimid shirarkii u dhaxeeyey madaxda maamul gobaleedyada dalka, waxaana baaqday labadii kulan ee u dambeeyey ee dhici lahaa habeen hore iyo shalay ee shanta madaxweyne goboleed.

Shirkaan oo socday afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa midkii ugu dambeeyey oo dhacay galabkii Isniinta uu soo dhammaaday ayada oo dhinacyadu ay isku hayaan qodobo dhowr ah, waxaana baaqday kulan qorshuhu ahaa in dib la isugu laabto xalay fiidkii hore. 

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa rumeysan in caqabadda ugu weyn ay tahay in saddexda maamul ee kale aysan laheyn awood ay go’aan ku gaaraan markastana ay dib ugu laabtaan Villa Somalia ama ugu yaraan ay teleefon u diraan, kadibna lasoo beddelo, taasi oo xalka sii fogeyneysa.

Wararka aan helnay ayaa xaqiijinaya in dhinacyadu isku fahmi waayeen saddex qodob oo kala ah:- 

1- In shirka ka qeyb galaan Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka. Puntland iyo Jubbaland ayaa soo jeediyay in shirka la ballaariyo islamarkaana mucaaradka loo ogolaado, halka saddexda madaxweyne goboleed ee ku xiran Farmajao ee Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ay diideen. 

2- Dhinacyadu waxay sidoo kale isku fahmi waayeen ciidanka sugaya amniga goobta uu shirka ka dhacayo. Puntland iyo Jubaland waxay soo jeediyeen in ciidanka AMISOM ilaaliyaan goobta, lagana kaxeeyo ciidanka ilaalada Madaxtooyada, halka maaamulada kale soo jeediyeen in ciidanka Madaxtooyada goobta sii joogaan iyo madaxda maamulada banaanka uga soo tagaan ciidanka la socda. 

Isla qodobka amniga ayaa Puntland iyo Jubaland waxay soo jeediyeen in ciidanka Madaxtooyada goobta laga ka xeeyo laakiin Madaxweynaha uu la imaan karo 18 askari oo kuwa dharcadka ah VIP Protection, halka maamuladana loo ogolaado min 5 askari oo dharcad ah. 

3- Madaxda maamul gobaleedyadu waxey afar maalmood kadib isku fahmi waayeen ajandaha shirka. Hogaamiyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed waxey soo jeediyeen in ajandaha shirka laga wadatashado laakinn kaliya uu ahaado heshiiskii 17-kii Sep 2020, halka Puntland iyo Jubaland soo jeediyeen dhacdooyinka iyo qodobo ka baxsan mowduucaas. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay 2-dii maalin ee hore in shirka aan looga hadlin qodobo muhiim ah balse lagu dhisiyay kalsoonida madaxda iyo is-faham dhaxdooda laguna xalinayay tabashooyin ay kala qabaan, balse doodda qodobada la billaabay labadii maalin ee dambe.

Sida aan xogta ku helnay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxey ka tanaasuleen qodob ku saabsan in Farmaajo shirka guddoonsho, balse waxaa la sugayaa haddii uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday iyo saddexda madaxweyne gobo lee taabiciyiinta ah ay ka tanaasulaan arrimaha uu ku dheggan yihiin.

Waxaa weli socda dedaalo ay wadaan xubnaha beesha caalamka, oo xalay la kulmay Axmed Madoobe iyo Deni, mana cadda haddii kulamada ay dib u billaaban doonaan maanta.