Qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah wadada aada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada waddooyinka ee loo yaqaano Traffic, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi qaraxa lagula beegsaday halka loo yaqaano Xoola Qalka, waxaana kasoo gaaray khasaare dhaawac ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyey qaraxa, kadib.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha amniga kasoo saareen qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey qaraxyo u badan nooca miinada, waxaana kii ugu dambeeyey uu ka dhacay degmada Dayniile.