Ciidamada ammaanka oo celiyey xildhibaano kusii jeeday xarunta baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta is hortaag ku sameeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay kusii jeedeen xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadan oo uu ku jiro Mahad Salaad, kana mid ah xildhibaanadii laga mamnuucay kulamada baarlamaanka ayaa waxaa laga celiyey isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu Mahad Salaad ku sheegay in ciidamo ka amar qaata madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ay ku celiyeen Dabka, isaga oo shaaca ka qaaday in wixii mas’uuliyad ah uu qaadayo guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

“Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook.

Tallaabadan ayaa timid, kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka oo gaaraya illaa 15 mudane lagu eedeeyey in ay buuq iyo fowdo ka sameeyeen kulankii Sabtida ee baarlamaanka, kuwaas oo illaa amar dambe laga mamnuucay kulamada soo socda.

Si kastaba xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa maanta kulan gaar ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo ay xubnaha qaar tuhun ka muujinayaan inuu jirio muddo kororsi.