ATMIS iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Afgooye

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada howlgalka ATMIS iyo Al-Shabaab, kaas oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku leeyihiin agagaarka Buunda weyn ee degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos ah, kaas oo sameeyay xaafadaha Haanta Dheer, Makoyga, ilaa Buunda weyn.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare, walow aan la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Afgooye oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee la weeraray ayaa howlgallo ka bilaabay Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta Muqdisho.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro ay ku soo qaado kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada uu haatan ka socdo gulufka dagaal ee ay wado dowladda federaalka oo kaashaneysa dadka degaanka.