Sababta rasmiga ah ee loo xiray odayaasha Saleebaan ee lasoo heshiiyey Shabaab

Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada Ammaanka Galmudug ayaa shalay xabsiga dhigay odayaal ka tirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan oo saaka saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado, kuwaasi oo kasoo laabtay deegaannada ay weli maamulaan Al-Shabaab.

Odayaasha la xiray ayaa qirtay inay heshiis lasoo galeen kooxda Al-Shabaab, laba maalin kadib markii kooxda ay soo saartay bayaan faah-faahinaya qodobada heshiiska.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Odayaashan ayaa waxa xarigooda qeyb ka ah eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan kooxda.

Marka laga imaado odayaashan inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab waxay beesha sheegtay inay kamid yihiin odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab.

Waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan ayaa ayagu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska la sheegay in kooxda ay la gashay beesha oo degta Galmudug, kaasi oo ay ku saxiixan yihiin odayaasha la xiray.

Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ayaa qirtay qeyb kamid ah heshiiska oo aheyd in Shabaab ay sii dayso illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen iyo sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay odayaashan kula gashay magaca beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa waxa ku qorna inay ku heshiiyeen odayaasha beesha inay ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka.

Odayaasha la xiray ayaa waxa loo gudbinayaa magaalada Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo, sida uu sheegay taliyaha qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ay yihiin dambiilayaal, ayada oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono wariyayaashi wareysiga ka qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.