CIIDAMADA Booliska iyo kuwa NISA oo howlgallo culus ka fuliyey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugida ayaa xalay si wadajira howlgallo ballaaran uga sameeyey qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga caasimada Soomaaliya.

Howlgallada oo lagu baarayey gaadiidka iyo xaafadaha qaar ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey Isgoysyada, Shaqaalaha, Howlwadaag, Jid Mareexaan, Carwo Idko, Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha.

Sidoo kale waxaa howlgalladan horkacayey taliyaha Saldhiga Booliska Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib, Taliye ku xigeenka Qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise, taliyaha Saldhigga Waaberi Ismaaciil, taliyaha Check-Point yada guur guura Gaashaanle Cabdi Cali iyo taliyaha ciidanka dharcadda ee ilaalada Shacabka Gaashaanle Shakiib.

Taliyaha saldhigga Booliiska degmada Howlwadaag Gaashaanle Najiib Cabdi Abiib oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in ujeedka howlgallada ay ahaayeen kuwa ka dhan ah kooxaha dhaca ka geysta Muqdisho iyo u diyaar garowga Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

“Howlgalkeenna waa mid ka dhan ah Kooxaha hubeysan ee dhaca geysta, Walxaha Maanka-Dooriya & u diyaar-garowba Bisha Ramadaan, Degmada aan aniga xukumo dagaal adag ayaan la galnay Walxaha maanka-dooriya, waxyaabaha ku haray kama joojineyso sidii aan ula dagaalami lahayn” ayuu yiri Taliye Najiib Cabdi Abiib.

Waxa kale oo uu sii raaciyey “Waxa aan u diyaar-garoobeynaa sugidda Amniga Howlgallo baaritaan Guri-guri iyo Gaadiid ku sameynayo, waxa aan xoogga saari doonnaa Masaajidda, Suuqyada & goobaha ay ku badan yihiin Dadka, Shacabka waxa aan ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan Laamaha ammaanka”.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal qorsheysan, qaraxyo iyo dhac loo geysanayo shacabka.