Saciid Deni ma noqon karaa madaxweynaha Soomaaliya?

Saciid Cabdulaahi oo hadda ah madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay inuu noqdo madaxweynaha qaranka Somaliyeed ee afarta sanno ee so socota, haddaba aan hogga tusaalayno ama aan istusno sida uu ku noqon karo iyo rajadiisa, dadaalka inuu ku guulaysto.

Waxaa jira musharaxiin badan oo caddeeyey inay kursigaan u tartamayaan, rajo fiicanna leh iyo kuwo qiyaasta in la doortaa ay liidato. Dani wuxuu ka mid yahay kuwa gacanta weyn ku lahaa xulida xildhibaanada aqalka sare iyo kan hoosaba, wuxuuna leeyahay saaxiibo fara badan oo kasoo baxay Dowlad Goboleedyada kale, wuxuu kaloo heli karaa lacag u ku kharash-gareeyo ololihiisa, Waxaa kaloo jira Xasan Shiikh iyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo haysta ama kasban kara Xildhibaano badan, lacagna haysta.

Qiyaasta maalinta doorashada waxay u egtahay ama ay u dhowdahay inay wareegga kowaad soo baxaan Saciid Cabdulaahi Dani, Xasan Shiikh iyo Maxamed Cabdulaahi Farmajo. Sida uu Dani ku khudbeeyey, wuxuu yiri “ waxaan isu soo sharaxay inaan Farmaajo meesha ka saaro, cid walbana waan ku kaalmayndonaa siday Farmaajo uga guulaysan lahayd” taas oo aragti dheer xanbaarsan, oo ah hadba kan horreeya asaga iyo Xasan Shiikh inay isu kaalmaystaan taagerada rididda Farmaajo.

Haddaba, haddii Dani loo tanaasulo oo xildhibaano ka badan kuwa Xasan uu helo, Dani maka adkaan karaa Maxamed Cabdulaahi Farmajo?

· Dani waa ka saaxiibo badan yahay Farmajo marka laga dhugto ama laga fiiriyo xildhibaanada ka imaanayo Galmudug, Jubbaland, Hirshabeele iyo Konfur-Galbeed.

· Farmaajo wuxuu afartii sanno ama shantii sanno oo uu madax-tooyada joogay samaystay dad dhaliilo ka tirsanaya ama saluugaya wax qabadkiisa.

· Waxaa jira dowlado badan oo si weyn ugu millan siyasadda iyo dhaqaalaha Somaliya oo diidan maanta inay la shaqeeyaan Farmaajo, kana shaqaynaya guul-darada Farmaajo.

Haddaba, Alle unbaa og qofka guulaysana, laakiin Saciid Cabdulaahi Dani rajada uu uga adkaadaa  Maxamed Cabdulahi Farmaajo waa badan tahay, laakiin taladu waa tii Ilaahay, ee andhowrno maalinta doroshada haddii ilaah qadaro.

Ilaahay ha ina gaarsiiyo Somali oo si xor ah isu doorata oo dimograatiya, qabiil iyo qurunkiisana tuura.

W/Q: Mahamud J.Farah
Mahamudjfarah@gmail.com
Fort Mcmurray, AB

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.