Somaliland oo dalab ka dhan ah Somalia u gudbisay QM

New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey booqasho uu wafdiga madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta dhexe ee QM oo ku taall magaalada New York ee Mareykanka.

Wafdiga madaxweynaha Somaliland ayaa halkaasi kula kulmay mid ka mid ah ku xigeenada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, sida uu shaaciyey wasiirku.

Ciise Keyd ayaa shaaca ka qaaday in kulankaasi diirada lagu saaray arrimo muhiim ah oo ku saabsan Somaliland, gaar ahaan sidii loo hormarin lahaa wada shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in QM u gudbiyeen sidii kaalmooyinka ay bixiso si toos ah u siin laheyd Somaliland, iyada oo aan cidna loo soo marin, gaar ahaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo sii hadlayey ayaa xusay in wada-hadalladan sidoo kale lagu soo qaaday horumarinta beeraha, Kalluumaysiga iyo abaaraha soo noq-noqday

“Waxaanu kala hadalnay horumarinta beeraha, Kalluumaysiga, dhibaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo sidii biyaha roobka ee da’a aynu u qaban lahayn oo aynu biyo-xireeno badan uga samayn lahayn dalkeena, markaa waanu isla qaadanay fikradahaas, waxaanu shirkaasi noqday mid guul noogu soo dhammaaday, waana guul kale oo Somaliland u soo hooyatay” ayuu yiri wasiirka, kadib qoraal uu kasoo saaray shirkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku joogo Mareykanka ayaa weli kulamo ka wada dalkaasi, kuwaas oo looga hadlayo arrimo la xiriira qadiyadda Somaliland.