Mufti diimeed caan ka ah Soomaaliya iyo dibadda oo ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday AUN Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxiyaddiin Celi oo ka mid ahaa mashaa’iqda si weyn looga qadiriyo guud ahaan Soomaaliya.

Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxiyaddiin Celi oo ahaa Mufti Diimeed la qadariyo ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, wuxuuna u geeriyooday xanuun kelyaha ka haayay maadaama shaqadoodii ay gabeen, si joogto ahna looga dhaqi jiray.

 Dr. Sheekh Shariif oo da’ diisa caga cageyneysay ku dhawaad 100 sano ayaa wuxuu ahaa wadaad u go’ay fidinta diinta Islaamka, waxaana Sheekha dhalay SHeekh Muxuddiin Celi oo dal iyo dibad si weyn looga yaqaan.

 Sheekh Shariif ayaa sidoo kale wuxuu ahaa xubin firfircoon oo dariiqada Ahlu Sunna Waljameeca.

 Sanadkii Sagaashameeyadii ayaa lagu xasuustaa inuu soo noqday Guddoomiyihii Hirgelinta Shareecadda Islaamka ee Waqooyiga magaalada Muqdisho, xiligaasi oo dadka ay ku tiirsadeen maxkamaddii waagaasi jirtay ee Sheekh Cali Dheere Guddoomiyaha ka ahaa.

 Bahda Caasimada Online waxay ugu tacsiyadeyneysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo qaraabadii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Dr. Sheekh Shariif Sh. Muxuddiin Celi.