Musharaxnimada madaxweyne ee Saciid Deni oo durba laga dareemay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayasha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamamaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerar culus ku billaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii uu ku dhawaqay xalay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Baraha bulshada ayey taageerayaasha Farmaajo ku beegsadeen Siciid Deni si shaqi ahaan ah, waxaana boqolaal farriimood, sawirro fool xun iyo qoraalo u badan aflagaado lagu arkay hoggaamiyeyaasha kooxaha baraha bulshada ka taageera Farmaajo, taasoo muujineysa culeyska Musharaxnimada Deni ku keeneyso Farmaajo.

Weerarka baraha bulshada ee ku socda Madaxweynaha Puntland ayaa intiisa badan salka ku haya, markii uu Musharax Siciid Deni uu shaaciyey in hadafkiisa koowaad uu yahay in Soomaalida laga dul qaado Farmaajo.

Taageerayaasha Farmaajo ee weerarka ku bilaabay Musharax Siciid Deni waxaa ka mida xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo Deni ku eedeeyay inay dalal shisheeye wataan oo doonaya in Farmaajo aanyu soo laaban, laakiin waxaa jawaab kulul siiyey oo Axmed Macallin Fiqi oo u gurmaday Siciid Deni, isagoo caddeeyay in Farmaajo uu ku yimid rabitaanka dal yar oo Ajnabi ah.

Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire: “Farmaajo in xilka looga adkaado waxay hadaf koowaad u tahay dowlado shisheeye, laakiin murashaxiinta arragtida qaran leh hadafkoodu waa inay helaan fursad ay dalka ku hoggaamiyaan.”

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: “30-ka musharax ma hawl kale ayay u socdaan sow hadafkoodu maahan in ay Farmaajo bedelaan, haddii aysan taas ahaan lahayn sow iskama joogeen guryahooda? Haddii nin lagu tuhmayo in dawlad shisheeye ay wadato oo la hubo sow ma ahan kaasi Farmaajo oo ay wadato dawlad yar oo Khaliijka ka tirsan? Taasina sow lama macno ahan in musharixiinta kale ay dawlad shisheeye u diidan tahay in ay talada dalka qabtaan?. Durbaankii wadaniyada fake ah waxaan moodayey in uu dalooshamay oo aan dib danbe loo yeerin doonin! Soomaaliya in laga dulqaado Farmaajo oo la isku bahaysto waa dan qaran iyo cibaado!

Afhayeenka Deni Jaamac Dabaraani: “Qofka aan Rabin in qofka hoggaanka ku fashilmay ee dalka halista geliyay uu baxo si isbedel u dhaco, waa kee kaasi? Waa Musharaxee? Halkee u socdaa? Isbedelka ayaaba ka bilowma in qofka wax khalday ee wakhtigu ka dhammaaday la saaro!!

Taagerayaasha musharixiinta kale ayaa dib uga gurtay dhaliisha iyo wax ka sheegista musharax Siciid Deni, markii ay dagaalka baraha bulshada ka bilaabeen Farmaajo, waxayna isu rogeen inay difaacaan Deni si kumeelgaar ah.

Arrimaha la yaabka leh ee taageeraysaaa Farmaajo ku dhaliilayaan Siciid Deni waxaa ka mida inuu musuqmaasuqay xildhibaannada iyo senatoorada Puntland kasoo baxay, iyagoo taageersan kuwa Farmaajo uu hantidii iyo ciidamadii dowladda kusoo saaray.

Xigasho: Goobjooge