Xog ka cusub damaca la sheegay in Itoobiya kaga jiro dekeda magaalada Saylac

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi dheer siiyay idaacada VOA-da ayaa shaaciyay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed u xaqiijiyay in uusan jirin damac uga jira dekedda Saylac, oo muddooyinkii dambe si weyn loo hadal hayay.

Waxa uu sheegay Muuse Biixi in uusan jirin xidhiidh ay madaxda sare ee Itoobiya kala sameeyen arrinta dekedda Saylac, sidaas darteedna xogaha sheegaya arrintaas ay yihiin waxba kama jiraan

“Waxba kama jiraan damaca la sheegayo in Itoobiya kaga jiro (Saylac), marka maaha wax macquul ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa noo xaqiijiyay in arrintaas waxba kama jiraan tahay, ayna tahay war boran-bogaado ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka wada-hadleen oo keliya heshiiskii dekedda Berbera oo ay ku lahaayeen saami dhan 19%, xili ay xukuumadda Abiy Axmed dib uga dhacday bixinta lacagtii dhankooda laga rabay.

“Waxaa arrinta (heshiiska Berbera) loo eegaya sifo sharci ah, haddii uu meesha ka baxayo ama wax ku kordhayaan. Waayo wey ka habsaameen mudadii ay bixinayeen lacagta. Intiina dekedii ayaa dhismatay oo waxba isbadalay. Markaa arrintaas waxaa gacanta ku haya dad shaqo ku leh.”

Ma aha markii u horeysay ee Somaliland ay beeniso damaca dekedda Saylac ee Itoobiya, hase yeeshe hadalka Muuse Biixi ayaa meesha ka saaraya in waqti xaadirkan ay Itoobiya daneynayso Saylac, kadib markii si weyn looga war-helay.

Xukuumadda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe sii xoojinaysay xiriirka ay la leedahay Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax-banaan, ayada oo afartii sano ee la soo dhaafay ay saaxiibo isu dhow ahaayeen Abiy Axmed iyo Farmaajo.