Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalo-xeebeedka Boosaaso ayaa sheegaya in xalay ilaa maanta ay halkaas ka taagan tahay xiisad aad u kacsan, kadib markii ciidamada PMPF ee maamulka Saciid Deni iyo ciidamo ka socda beesha Dashiishe ee degta gobolka Bari ay isku hor fadhiisteen halka uu ku yaallo Hoteel Jubba.
Hoteel Jubba ayaa lagu waday inuu ka dhaco shirweyne ay beesha Dashiishe uga arrinsan lahayd mustaqbalka iyo aayaha beesha, hase ahaatee ciidamo ka socda maamulka Puntland ayaa la soo dhoobay agagaarka goobta uu shirka ka dhici lahaa.
Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada taabacsan maamulka Puntland ay ka soo horjeedaan qabsoomidda shirkaas, oo ay u arkaan mid dhibaato ku ah qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.
Ilaa hadda ma jiro war ka soo baxay maamulka Puntland oo looga hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada Boosaaso.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Boosaaso ayaa Caasimada Online u sheegay in maanta magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo feejignaan sare, taasoo abuurtay walaac ay shacabka ka qabaan in isku dhac uu ka dhex qarxo ciidamada labada dhinac.
Shirka waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Dashiishe, oo abaabulkiisu muddo soo socday, ayaa lagu waday in looga tashado arrimo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee beesha, xaaladda amni iyo saameynta siyaasadeed ee gobolka Bari.
Beesha Dashiishe, oo ka mid ah beelaha dega gobolka Bari, gaar ahaan Boosaaso, ayaa muddo ka cabanaysay sed-bursi iyo dhaliilo ay ka qabto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.
Magaalada Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland, ayaa ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu maamulkaasi ka helo, halkaasoo ay ku taallo dekedda Boosaaso oo halbowle u ah ganacsiga Puntland iyo gobollada ka baxsan maamulkaasi ee Bartamaha Soomaaliya.

