Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta haysato fursad weyn oo taariikhi ah oo dhinaca xoolaha ah, maadaama dalal badan oo suuqa ku xooganaa ay wajahayaan caqabado cusub.
Wasiirka oo ka hadlay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa tilmaamay in dagaalka ka socda Suudaan uu si weyn u saameeyay dhoofkii xoolaha ee dalkaas, halka dalalka kale ee Australia iyo New Zealand ay hoos u dhigeen dhoofinta xoolaha nool, iyada oo sidoo kale la filayo in sanadka dambe ay joojiyaan dhoofka xoolaha
Jamaal ayaa xusay in maanta suuqa kaliya ee fursadda haysta uu yahay kan Soomaaliya, uuna ku baaqayo in ganacsatada ay ka faa’iideystaan.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in arrintan ay Soomaaliya siinayso fursad weyn oo ay ku ballaarin karto suuqeeda xoolaha ee guud ahaan caalamka.
“Suuqa ugu weyn xoolaha ee caalamka maanta Soomaaliya ayaa haysata, Suudaan waad aragteen dagaal ayaa ka socda,wadamada kalena sidii hore ma ahan fursad weyn ayaa na hortaalla,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga.
Dhanka kale, waxa uu carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe lagu casriyeynayo ganacsiga xoolaha, si dalka uusan ugu ekaan dhoofinta xoolaha nool oo keliya, balse loo abuuro fursado kale oo muhiim ah.
Soomaaliya ayaa hodan ku ah xoolaha nool oo si weyn looga dhaqdo, iyada oo inta badan loo iib geeyo dalalka Khaliijka, gaar ahaan xilliyada Ciidaha, taas oo sare u qaaday baahida loo qabo xoolaha Soomaaliyeed.
Si kastaba, Fursaddan muhiimka ah ayaa Soomaaliya ka dhigi karta in ay noqoto hormuudka ganacsiga xoolaha nool ee gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika.

