Maxay tahay sababta Israel uga gaabsatay dagaalka RUUSHKA iyo UKRAINE?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ukraine waa wadan dhaqaale oo aad u muhiim ah kaasoo Israel la wadaago dhinacyada Beeraha iyo Teknoolajiyada, waxaana ku nool tobanaan kun oo Yuhuud ah, labada waddanba waxay xubno ka yihiin dhinacyada bulshada iyo siyaasadda reer galbeedka, Ukraine waxay muujisay inay diyaar u tahay inay Qudus u aqoonsato caasimadda Israel , inkastoo xaqiiqda tahay in magaalada (Qudus) ay tahay mid xoog lagu heysto sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qof kastaa wuu ogyahay in Ruushku uu ahaa saaxiibka muhiim u ah Israel marka loo eego dhanka Syria, gaar ahaan duqeymaha cirka ee Israel ee ka dhanka ah xulafada Iran ee ku sugan Syria. Mudo sanado ahna Israel waxay saaxiib dhow la aheyd Putin si ay u ilaashato istaraatiijiyadeeda iyadoo aan waxba u dhimeyn xiriirka ay la leedahay Mareykanka.

Balse haatan maadaama uu Ruushka dagaal ku qaaday Ukraine waxay Israa’iil bartanka ka gashay xaaladda taagan ayadoo u dhaxeysa danaheeda gaarka ah iyo mowqifyada Dowladaha Caalamka ee iska soo horjeeda, waxayna diiday inay dhinac la safato.

Israa’iil oo cadaadis xoog leh kala kulmeysay saaxiibadeeda caalamka la iskuna dayey in lagu qanciyo inay mowqif cad ka qaadato dagaalka socda ayaa waxay ku andacootay iney tahay dhexdhexaadiye u dhaxeeya Kiev iyo Moscow, iyo in labada dowladoodba la leedahay xiriir iyo dano aysan ka maarmin.

Dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett wuxuu khadka taleefanka kala xiriiray dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Ruushka Vladimir Putin, kadibna wuxuu kulan la qaatay Putin, balse kulankaas wuxuu ahaa mid iska kaftan ah waayo Bennet wuxuu ogaa in dhex-dhexaadnimadiisa cidna u baahneen, sababtoo ah Putin marnaba diyaar uma ahan dhexdhexaadin, sida kaliya ee uu ku qanci karana waa in Ukraine uu awood ku qabsado.

Dowladda Iraa’iil ayaa ka cabsaneysa haddii ay ku biirto dalalka ka hor yimid dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ee cunaqabateynta saaray  shirkadaha Ruushka iyo bangiyadooda inuu xanaaqo Putin isla markaasna ay taas keento inay culeys kala kulanto dagaalka Syria, sidoo kalana lagu jabiyo dagaalada ay kula jirto Iiraan.

Tan iyo markii Ruushku soo farageliyay Syria sanadkii 2015-kii si loo badbaadiyo dowladdii Bashar al-Asad, xukuumada Moscow waxay ciyaartay laba kaarto oo isku dhex jira.

Tan koowaad waa in ciidamada Putin ay la kaashadeen ilaalada kacaanka Iran iyo maleeshiyaadka shiicada ah ee xulafada la ah dagaalkooda si ay uga adkaadaan jabhadaha iyo ururkii Daacish, tan labaadna waa in Ruushka ay indhaha ka laabteen in ka badan 1,000 duqeyn oo ay Israa’iil ka geysatay gudaha Syria, ayadoona ku bartilmaameedsatay Iran iyo Xizbullah qeybta Syria, waxaana xusid mudan in duqeymahaas qaarkood ay ku nafwaayeen askartii Bishaar Al-Asad ee uu Ruushka ka barbar dagaalamayay, sidoo kalana ay ku burbureen qalabkoodii Milatari.

Ayadoo xaalka sidaas yahay hadana Putin wuxuu kahor istaagay ciidamada Syria inay adeegsadaan Gantaalada difaaca cirka ee S-300 si ay uga hortagaan diyaaradaha Israel, waana hub ay Ruushka qudhooda horay uga iibiyeen Syria, balse ay diideen in loo adeegsado diyaaradaha Israel.

Intaas waxaa sii dheer ciidamada Ruushka ee fadhigoodu yahay Syria in lagu ilaaliyo nidaamka S-400 ee aadka u horumarsan, kuwaas oo aanan la adeegsan marnaba markii diyaaradaha Israa’iil ay duqeeynayeen saaxiibada Ruushka ee dhulka oo ciidanka Suuriyaanka ee Bishaar.

Waxaana la rumeysan yahay in Gantaalada difaaca hawada ee S-400 iyo S-300, haddii la hawlgeliyo inay si weyn u xaddidi lahaayeen xorriyadda ficil ee diyaaradaha Israa’iil iyo howlagaladooda duqeymaha ee ay halkaas ka wadaan.

Ruushka inuu Israel u adeegsado Gantaaladiisa difaaca iskaba daayee wuxuuba gaaray heer uu dhawr jeer uu ku dhiirigeliyo Israa’iil inay dharbaaxo adag ku dhufato Iraniyiinta markii Moscow ay dareentay in joogitaanka Tehran ee Syria iyo saamayntooda ay halkaas ku leeyihiin ay ka qoto dheertahay sidii ay horay u maleynayeen.

Qofka xiriirka dhow la leh Putin wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu. Netanyahu wuxuu si joogta ah ula kulmi jiray hogaamiyaha Ruushka tobankii sano ee la soo dhaafay, halka Putin-na uu booqan jiray Jerusalem (Qudus) marmar.

Netanyahu wuxuu horay uga jawaabay codsigii Putin ee ahaa in Ruushka la siiyo hanti ay leedahay Kaniisadda Ortodokska ee Ruushka,  kuwaas oo lahaanshahooda la isku heystay sabab la xiriirta Kacaankii Ruushka iyo kala qaybsanaan diimeedka.

Hogaamiyaha xisbiga Likud Netanyahu waxa kale oo uu xiriir dhow la samaystay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kan Brazill Jair Bolsonaro, kan Hangari Viktor Orban, iyo midka Poland Mateusz Morawiecki.

Intii lagu jiray afartii olole doorashada ee uu u tartamayey Netanyahu mudadii u dhaxeysay 2019-kii ilaa 2021-dii, wuxuu si sharaf leh u soo bandhigay boorar waaweyn oo ay ka muuqdaan asiga iyo Putin , waxaana ku qorneyd oraahda “Horyaalo kala duwan.”

Shaki la’aan Putin wuu ka xanaaqi lahaa haddii Israa’iil ay cunaqabatayn ku soo rogi laheyd Ruushka, waxaana laga yaabaa inuu xitaa kaga jawaabo tallaabo lagu xaddidayo howlgalada milateri ee Israa’iil ka fuliso Syria.

Arimaha lagu doodi karo ayaa waxaa kamid ah in sida Israa’iil ay ugu baahan tahay Putin oo aysan uga maarmin howlgalladooda joogtada ah ee ka dhanka ah xulafada Iiran ee Syria, in si lamid ahna uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sidoo kale dhankiisa u baahan yahay Israa’iil, sidaas owgeedna xiriirka Israa’iil iyo Ruushka kaddib dagaalka Ukraine marnaba ma noqon doono ciyaar natiijadeeda tahay 0-0.

Waxaa xusid mudan in safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas Greenfield, ay muujisay sida ay uga xun tahay markii Israa’iil ay diiday in ay ka mid noqoto qaraar qabyo ah oo lagu cambaareynayay Ruushka kaasoo golaha loo dhan yahay soo saari rabay.

Ayadoo dhamaan arimahaas jiraan, hadana Israel marnaba kama laaban karto go’aanka dhex-dhexaadnimo ee ay ka qadatay dagaalka, dhanka aqlabiyada Israa’iiliyiintase hadii lakala dooransiiyo Carada Putin iyo dhawaaqa Biden dhinaca ay raaci doonaan waa mid iska cad.