Sawirro: Ciidamada DF iyo kuwa ATMIS oo howlgal cusub ka billaabay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa si wada-jir ah howl-gallo uga bilaabay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa waxay magaalada ka sameeyeen howl-gallo baaritaanno ah oo isugu jiray baro kontarool deg deg ah oo la dhigay waddooyinka waaweyn iyo kuwa gala xarumaha dowladda iyo xafiisyada.

Howl-galladan oo uu horkacayeen koox saraakiil ah oo uu hoggaaminayay taliye ku-xigeenka Booliska, Madaxa kooxda ATMIS Joint iyo Cali Maxamed Cusmaan oo ah madaxa howl-galinta saldhigga Booliska degmada Wadajir, ayaa ahaa mid looga hortagayo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

“Muhiimada kormeerkan wadajirka ah ayaa ah in dadka deegaanka ay ogaadaan in ATMIS ay ka garab shaqeyneyso habeen walba si loo hagaajiyo ammaanka,” ayuu yiri Taliye ku-xigeenka Booliska.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay in wada-shaqayntu ay muhiimad gaar ah u yeelan doonto xaqiijinta in Muqdisho nabad noqoto inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka iyo kadib.

Waxaa uu intaasi kusii daray “in ATMIS iyo Booliska Soomaaliya looga baahan yahay inay feejignaadaan,” si ay u fashiliyaan ama uga hortagaan weerar kasta oo ay qorsheynayso Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Howl-gallada wadajirka ah ee caasimada ayaa imanaya xilli ay Booliska ATMIS iyo kuwa Soomaaliya ayaa sidoo kale deegaanada maamul-goboleedyada ka wadaan howl-gallo wada-jir ah, midaasi oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo tayada ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka.

Si kastaban, ATMIS ayaa hadda kadib door muhiim ka qaadan doonta qorshaha sugida amniga caasimada, ayada oo la dardar-gelinayo howlaha wada-shaqeynta Booliska ATMIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed.