Dagaal mar kale ka qarxay Laascaanood xilli Mareykanka uu soo saaray digniin culus

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in uu saaka markale dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood, waxaana qaarkood sheegayaan in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen xooggaga SSC.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka socda uu xoogiisu yahay mid madafiic la is-weydaarsanayo, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka saaka, iyada oo xaafadaha qaar ee magaalada ay ku dhaceen tiro madaafiic ah, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha.

Ciidamada Somaliland maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka bari ee magaalada, kadib markii uu milateriga ku dhawaaqay inuu Laascaanood ku qaadayo dagaal qorsheysan.

Dagaalka saaka markale ka qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa uu imanaya xilli uu Mareykanka soo saaray digniintii ugu cusleyd ee dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.