Maxay ka dhigan tahay tallaabada Mareykanka u qaaday Somalia ee cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda dalka Mareykanka ayaa shalay Soomaaliya usoo magacowday safiir aan caadi aheyn, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad. 

Safiirka cusub oo lagu magacaabo Richard H. Riley, IV ayaa beddelaya Larry André Jr oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano. Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto. 

Haddaba maxay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Mareykanka?

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa Baarlamaankii 10-aad ee dalka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso in Mareynkanka uu ahmiyad siinayo Soomaaliya.

Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in haatan Mareykanka uu sare uu sii qaadayo xiriirka Soomaaliya oo haatan kasoo kabaneyso sidii hore.

“Tan waxay ka tarjumeysaa in dowladda Mareykanka ay sare usii qaadeyso, ahmiyadna ay siineyso oo kasii sarreysa tii hore oo ay siin jirtay Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Dalxa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay dal leh fursad badan, isla-markaana ay ku loolamayaan dowlado waa weyn, si ay uga faa’iideystaan.

“Soomaaliya waxay maanta kamid tahay dalalka meesha ay adduunyada dhacaan aad iyo aad indhaha loogu haayo ee Geeska Afrika,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd 30 sano. 

Mareykanka ayaa sidoo kale tababara isla-markaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.