Sawirro: Danjire Maxamed C/llaahi oo arrimo muhiim ah kala hadlay dowladda Serbia

Belgrade (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda ee dowladda Serbia Dr. Siniša Mali.

Kulankan gaar ah oo ay labada Mas’uul  yeesheen ayay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.

Inta kulanku socday waxaa looga hadlay arrimaha deyn cafinta ee Soomaaliya ay hardanka ugu jirto iyo hanaan casri ah oo canshuur uruurinta ka saacidi kara in dowladda Soomaaliya loo helo.

Sidoo kale wasiirka ayaa r/wasaraha ahna wasiirka maaliyadda Serbia kala hadlay sida ay wadashaqeyn dhow u yeelan karaan Bankiyada labada dal, wadashaqeynta ka dhexeysa wasaaradaha maaliyadda labada dal iyo isku xirka rugaha ganacsi ee Soomaaliya iyo Serbia.

Arbacadii ayay aheyd markii uu xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade uu soo booqday Wasiirka Hormarinta Serbia Dr. Edin Đjerlek, halkaas oo uu kulan miro dhal ah kula qaatay Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Kulankii Arbacadii ayaa gogol xaar u ahaa kulanka maanta dhexmaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Serbia Dr. Siniš Mali.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir aad u qota dheer oo Diploomaasiyadeed, una muuqda mid sii xoogeysanaya waayadan dambe.