Mareykanka oo u hanjabay Somaliland, kuna amray inay ciidankeeda lasoo baxdo

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diginin culus kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood, oo ay sheegtay inuu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

“Rabshadaha sii socda waxay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.”

Washington ayaa sidoo kale ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland inay ciidamadeeda amniga dib ula soo baxdo si ay u caddeyso inay ka go’an yihiin mabaadi’dan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maleeshiyada Laascaanoood inay ka feejignaadaan ficil kasta oo weerar ah oo ka dhan ah ciidamada Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay taageersan tahay sida wax ku oolka ah ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ula tacaaleyso xiisaddan iyo inay odayaal dhaqameed u dirtay, iyo ballan-qaadka madaxweyne Muuse Biixi ee ah inuu wafdigan kusoo dhoweyn doono Hargeysa.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay dib u dhaca doorashada madaxweynaha Somaliland. 

“Waxa kale oo aanu ka walaacsannahay in doorashada madaxtooyada Somaliland ay dib u dhacday ilaa November 2022, taas oo aad uga gudubtay wakhtiga ku cad dastuurka Somaliland. Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Somaliland inay jadwal cad dejiyaan ayna doorashada ugu dhameystiraan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa ugu dambeyn madaxda Somaliland uga digay xayiraado inay wajihi karaan xayiraado dal-ku-gal.

“Maraykanku waxa uu diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodaha ku cad qodobka 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha si loo xaddido bixinta fiisaha ee madaxda hadda iyo kuwii hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama ka qayb-qaadanayaan wiiqitaanka geedi-socodka dimoqraadiyadda Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.