Daawo: Qisada cajiibka ah ee hooyo afar carruur hal mar ku dhashay isbitaal Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Maryan Maxamed Xasan ayaa la xaqiijiyey in afar gabdhood oo mataano ah oo caafimaad qaba ay ku dhashay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif ayaa xaqiijisay in carruurtaan iyo hooyadood ay caafimaad qabaan, isla markaana ay si baxnaani doonaa ilaa inta ay isku filaansho ka gaarayaan.

Hooyo Maryan waa 38 sano jir ka timid miyiga degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna xalay ku dhashay isbitaalka Banaadir.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun waxay warbaahinta u sheegay in markii ugu horeysay ay la kulmeen kiis noocaan ah, iyadoo Allaah uga mahad naqday inay ku guuleysteen inay adeeg caafimaad u heleen hooyo Maryanm iyo carruurteeda oo hadda wada caafimaad qaba.

“Waan fiicanahay Alxamdulilaah, wax iga haleysan ma jiraan, wax kasta waa la iga caawiyey, Ilaaheyna waa ii fududeeyey, shaqaalaha ii adeegay waan u duceeyey, saakay ayaan ogaady inaan afar carruur ah umulay,” ayey tiri Hooyo Maryan oo la hadashay warbaahinta dowladda.

Agaasimaha isbitaalka Banaadir ayaa sheegay inay si caadi ah u umuliyeen hooyo Maryan, iyadoo aan laga qaadin wax kharash ah, maadaama isbitaalka Banaadir ay leedahay dowladda Soomaaliya oo wasaaradda caafimaadka uu hoos tago.

“Waan ku faraxsanahay in Hooyo Maryan oo nooga timid gobolka Shabeellada Dhexe aan caawino, bulshada waxaan ugu baaqayaa in Hooyo Maryan ay ka war qabaan, waa qof aad u iimaan badan oo ku faraxsan carruurtaan afarta ah ee halka mar u dhalatay,” ayey tiri Agaasime Fartuun Shariif.

Ugu dambeyntii agaasimaha isbitaalka Banaadir waxay sheegtay inay ka sii war qabi doonaan Hooyo Maryan, sida amba bixinteeda, maadaama ay ka timid gobolka iyo tallaalka ay u baahan yihiin carruurteedu.

Hoos ka daawo