Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaan cusub, kuna sii wajahan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegay deegaanka Geerille oo u dhaxeysa magaalooyinka Ceeldheer iyo Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ee howl-galkaas hoggaaminaya ayaa sheegay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay deegaanka Cowsweyne oo ay tuhunsan yihiin in kooxda Al-Shabaab ay kasoo abaabuleen weerarkii maalmo kahor ay ku qaaday Masagawaay.

Ciidamada iskaashaanaua ayaa sidoo kale waxaa la sheegay ina ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo, oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasi oo weli ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab

Howl-gallada ka socda deegaanadaasi ayaa muhiim u ah adkeynta xadka ay wadaagaan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug, sida uu sheegay guddoomiyaha Degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaq xooggan ayaa ka socda deegaanno ka tirsan gobolka, iyada oo saraakiisha hoggaamibaysa ciidanka iskaashanaya ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanada ka maqan gacantooda, ee weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan cusub ayaa imanaya xilli dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socday qeybo kamid ah gobolada dalka uu gaabis ku yimid toddobaadyadii dambe, kuwaasi oo markii hore kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh.

Si kastaba, waxaa dhawaan lagu wadaa in si rasmi ah u billowdo wejiga 2-aad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, iyada oo wejigan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada dalalka deriska, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalkan oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda.