Iska hor-imaad khasaare gaystay oo ka dhacay Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor-imaad khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Iska hor-imaadkaas ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan Booliska Puntland oo ay ku jirto gabar.

Warar kala duwan ayaa sheegaya inay jirto dhimasho uu sababay iska hor-imaadkan, inkasta oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin.

Iska hor-imaadka ayaa waxaa la sheegaya inuu dhexmaray ciidanka Booliska iyo rag hubaysan oo lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaar kamid ah ragga hubeysnaa ee iska hor-imaadku dhexmar ciidanka Booliska ayaa la xidhay.

Kooxaha isticmaala maandooriyaha Khamriga oo horseeday falal amni-darro ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya Garoowe.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso dhibaatooyinka amni ee mararka qaar ka dhaca magaalada Garoowe oo xarunta gobolka Nugaal, sidoo kalena ah caasimadda Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale dagaal adag kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaas, islamarkaana dhibaatada ku haya bulshada.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli ay caasimada Puntland ee Garoowe ay ka taagan tahay xiisad kacsanaan ah oo ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland iyo khilaafka doorashada dowladaha Hoose ee Garoowe iyo laba degmo kale.