Ciidanka DF oo burburiyey maxkamad ay Al-Shabaab ku laheyd duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada dowladda ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay sameeyeen ciidamada Kumaandooska Gorgor ayaa ka dhacay tuulada Sabya oo hoostagta deegaanka Basra oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Afgooye iyo Balcad.

Gaashaanle Bashiir Cumar oo ah taliyaha guutada 18-aad ee ciidamada Kumaandooska Gorgor oo horkacayey howlgalka ayaa ka warbixiyey, wuxuuna sheegay inay burburiyeen maxkamad beenaad ku taalay halkaas oo ay kooxda Al-Shabaab ugu yeeri jireen shacabka iyo ganacsatada, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay howlgalka ku dileennl xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, balse ma caddeyn tiradooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Muqdisho oo ay inta badan weeraro ka soo abaabulaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen deegaannadan, halkaas oo sidoo kale kale khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda waxa ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu xoogooda ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.8