Ciidamada DFS oo mushahar la’aan u gadooday!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Ciidamada DF Somalia ayaa faarujiyay Isgooysyadii ay kaga sugnaayen Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani faarujiyay isgooysyada ayaa ka cabanaayo mushaar la’aan ka heysata Hay’adaha amaanka oo ay hoostagayeen.

Ciidamada isgooysyada faarujiyay ayaa isugu jira Booliska, Nabadsugida iyo Militeriga kuwaasi oo aan mudo laba bil ah lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen Hay’adaha amaanka.

Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa iyagu lunsasho ba’an ku hayo mushaaraadka Ciidamada DF waxa ayna Ciidamadu yihiin kuwo aan Ciida la qeybsan doonin dadka shacabka ah bacdamaa aan weli lasiin mushaarkooda.

Ciidamada DF Somalia ayaa iyagu ah kuwo isku dhiga rasaasta lala damacsan yahay Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada, hadana ma jirto cid iska xil saareysa xuquuqdooda.

Dhanka kale, Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska ayaan muddo laba bil qaadan Xuquuqdii ay lahaayen waxa ayna iminka yihiin kuwo caro awgeed uga cararay howlgaladii ay ka hayeen wadooyinka iyo isgooysyada Magaalada Muqdisho. Su’aashu waxa ay tahay askari baahan cadow makaa celshaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com