XILDHIBAAN shaaca ka qaaday sir badan oo ku saabsan dastuurka SOMALIA oo arrimo badan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane ka tirsan BF Somalia ayaa xaqiijiyay in waxbadan laga faragaliyay qodobadii ku xusnaa Dastuurka dalka qeybaha khuseeyay Maamul Goboleedyada dalka.

Gudoomiye ku-xigeenka gudiga Arimaha Bulshada BF Somalia Axmed Aabi Aadan oo la hadlaayay Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in bedel lagu sameeyay qaar kamid ah Qodobada Dastuurka dalka.

Xildhibaan Aabi ayaa sheegay in Dastuurkii umadda ku heshiisay gebi ahaan la suuliyay, laguna bedelay dastuur cusub, oo aan la aqoonin cidda soo qortay iyo cida lagu xakumi doono.

Nuqul kamid ah haddalka Aabi ayaa waxaa kamid ahaa “Xaqiiqo weeye in dastuurka wax laga bedelay, weliba in wax laga bedelay ma ahee, tootali waa laga guuray baa la oran karaa. dadku waxaan u cadeynayaa, in dastuurka aan maanta ku shqeynaa usan ahayn dastuurki saxiixayaasha road map-ka”

Xildhibaanka ayaa carabaabay in Heshiiskaasi looga talaabayo Dastuurka ee qarsoodiga ah laga abaabulay Madaxtooyada Somalia, waxa uuna sheegay in taasi ay ka danbeyso isla xisaabtan.

Sidoo kale, waxa uu shaki galiyay qaab dhismeedka Gudiyada uu dhawaan ansixiyay BF waxa uuna sheegay in dhismaha gudiyadaasi ay yihiin kuwo baadil ah oo la tashigooda lala baalmaray Maamul goboleedyada dalka oo aan waxba lagala socodsiin.

Dhanka kale, Xildhibaan Aabi waxuu si kulul u dhaliilay, guud ahaan hab-dhaqanka BF Somalia, waxa uuna cadeeyay in shaqada Baarlamaanka ay tahay kaliya fulinta qodobada iyo qorshooyinka loo farmuuqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com