XASAN Sheekh iyo CCC oo isku mowqif noqday iyo SHARMA’ARKE oo safarkiisa ka baaqday !!!

Garoowe (Caasimada Online) – Sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada warfaafinta Soomaaliya dowlada Soomaaliya ayaa qaadatay go’aanka ah in la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeyo maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha isku mowqif ka noqdeen kulamada ka dhacaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, taasi oo ku aadan in la dhameeyo dhamaan khilaafaadyada oo aan lagu kala tagin iyadoo aan go’aan laga soo saarin wadahadalka.

Maanta ayaa markale dib waxaa magaalada Garowe kaga furmay shirka seddex gesoodka ah ee ka dhacayay magaalada Garoowe, waxaana ladoonayaa in xal laga gaaro dhamaan qodobada la isku fahmi waayay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Xogta aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu amray in Cumar C/rashiid uusan kasoo tagin magaalada Garowe isagoo aan xal ka gaarin khilaafka dowlada Soomaaliya kala dhaxeeyo maamulka Puntand iyo maamulka Jubba.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa saaka hakad uu kaga yimid safar uu ku tagi lagaa magaalada Qardho, maadaama wadahadalada ay dib kaga furmeen magaalada Garowe, laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa shegaya in saacadaha soo socda uu tagi doono magaalada Qardho.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com