CIID WANAAGSAN: Bisha Shawwāl oo la arkay !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinta Jimcaha ee berri ayaa noqoneysa maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga ee Muslimiinta. Bisha Shawaal ayaa waxaa laga arkay dalal badan oo caalamka Islaamka ka tirsan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Sacuudiga, Imaaraadka Qatar iyo kuwa kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Awqaafta iyo Diinta  Sheekh Kheyroow Aadan Somalia ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalin ciid ah,  isla markaana Ummadda ugu hambalyeeyay bilasha 1-da bisha Shawaal.

Sheekh Cabdinaasir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, kuna sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in magaalo 100 km u jirta laascaanood lagu arkay bisha, isla markaana ay wareysteen oo uu xusay inay yihiin dad lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale muwaadin kale oo ku sugnaa gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in 11 qof oo uu ku kalsoonyahay ay arkeen bisha, isla markaana ay tahay maalin ciid ah beri oo jimco ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in culimada xiriiro kala duwan oo ay sameeyeen ay u cadaatay in beri ay tahay maalin ciid ah.

Muwaadin kale oo bare ah iskuul ku yaalla degmada Kaaraan ayaa sheegay in u arkay bisha, isla markaana markii uu arkay ay u suurta gashay in uu tusiyo ilaa iyo lix qof oo kale , si ay xaqiiqsadaan aragta bisha.

 

Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimada la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyaan, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed.

 

Caasimada Online waxa ay aqristayaasheeda ugu hambalyeyneysaa munaasabaddan qiimaha badan ee Ciidul Fitiriga, waxayna leedahay Ciid Wanaagsan.

ciid1