General Indha-Cadde oo farriin u diray Puntland

Cadaado (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa fariin u diray Maamulka Puntland iyo Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobolada Dhexe, dhawaana ku dhawaaqay inay doorteen Madaxweyne cusub oo Gobolada Dhexe hogaaminaya sida ay sheegeen.

Yuusuf Indha Cadde, ayaa ugu horeyn ka hadlay Ahlu Sunna, wuxuuna sheegay in laga doonaayo Ururka Ahlu Sunna inay u tanaasusho shacabka Gobolada Dhexe, maadaama ujeedka guud uu yahay sidii dadka Gobolada Dhexe ay u noqon lahaayeen kuwa ku hoos nool maamul ay ku midoobeen.

Waxa uu ugu baaqay in ay ka tanaasulaan go’aanadii ay qaateen, islamarkaana ay dowladda wada hadal la galaan, wixii ay xaqqa u leeyihiina ay qaataan.

“Ahlu sunna ha u Tanaasulaan Shacabka Gobalada Dhexe, dowladda wada hadal ha la galaan, ha raadsadaan waxa ay xaqqa u leeyihiin, hadii ay waayaanna ay shacabkooda eegaan.” Ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde oo u waramay Idaacada Goobjoog.

Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Generaal Yuusuf Indha Cadde, ayaa dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday Maamulka Puntland iyo diidmada ay ka muujinayaan Maamulka Galmudug ee Cadaado lagu dhisay.

Indha Cadde, ayaa ku waramaayo in Puntland laga rabo inay dejiso xaalada, islamarkaana ay aqbalaan wada hadalka ku aadan xal u raadinta xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ku sugan Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, wuxuuna u tagay halkaasi wada hadalka ku aadan sidii loo xalin lahaa tabashooyin kala duwan oo ay Puntland sheeganayso oo ay ugu horeyso maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com