Kenya oo u hanjabtay shirkadaha isgaarsiinteena

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku goodisay inay talaabo adag ka qaadi doonto shirkadaha Isgaarsiinta Somalia.

Warqoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasiirka warfaafinta Kenya Fred Matiang’Ioo ayaa lagu sheegay in Shirkadaha Soomaalida ay shucaac iyo qalqal ku furayaan kanaalada isgaarsiinta dalka Kenya, sida warbixinta lagu qeexay.

Warbixinta Wasiirka ayaa waxa lagu sheegay in Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia ay qalaanqal badan galiyeen isgaarsiinta Kenya, waxa uuna wasiirka cadeeyay in deegaanada ku dhow dhow xadka Somalia ay Kenya la wadaagto aysan heysan isgaarsiinta saxda ah sababo la xiriira Shirkadaha Soomaalida.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Kenya, waxa uu sheegay inay cabasho ka soo gaartay Ciiddanka Ammaanka iyo kuwa Milliteriga Kenya, kuwaasi oo codsaday in tallaabo adag laga qaado Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia ee bixiya Adeegyadda Mobayladda.

Nuqul kamid ah qoraalka kasoo baxay Xafiiska ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan ka walaacsanahay faragelinta Shabakadaha Mobaylada, khas ahaan xuduudka Bariga Kenya ee Hawlgalladda Mobayladda Somalia”.

Mr Fred Matiang’Ioo ayaa sheegay in arrintani uu labo bilood ka hor kala hadlay DF Somalia, balse aanan waxbo laga qabanin, maadaamaa isgaarsiinta Somalia aysan ahayn kuwa shati heysta, islamarkaasina la koontaroolo.

Wasiirka waxa uu ku goodiyay inay talaabo ka qaadi doonaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida haddii arrinta ay sii socoto.

Dhanka kale, hadalka Wasiirka ayaa waxa lagu fasiran karaa inay caqabad ku yihiin Taawaradda Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia ku leeyihiin Degmooyinka u dhow xuduudka Kenya, iyadoo ay inta badan Soomaalida Kenya ee deggan W/bari Kenya adeegsadaan SIM Cards-ka Shirkadaha Isgaasrsiinta Somalia oo ka jaban qiimo ahaan Shirkadaha kale ee Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com