FBI-da oo gacanta ku dhigtay dukumiintiyo laga soo saaray dukaan ay lahaayen dad Soomaali ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiil ka kala socotay Waaxda Dembi-baarista Boliska Federalka Maraykanka FBI-da iyo Waaxda Beeraha ayaa baaritaano adag ku sameeyey Dukaan lagu iibiyo Cuntada Soomaalida oo ku yaalla magaalladda Rochestar ee Gobalka Minnesta ee dalkaasi.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay saacado badan baarayeen goobtaasi ganacsi oo lagu magacaabo Towfiq Grocery Store.
Wargeyska Post Bulletin ayaa qoray inay Saraakiisha ka soo qadeen Dukaanka dhowr sanaadiiqda Bangiyada oo u muuqday inay ku jireen Dukumentiyo badan.

Milkiilayaasha Dukaanka oo ahaa nin iyo haweeney ku sugnaa Dukaanka markii la baarayey wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.

Afhayeenka Xafiiska Xeer Ilaalinta Maraykanka ee magaalladda Minneapolis, Ben Petok wuu ka gaabsaday inuu Saxaafadda kala hadlo arrinkaasi.

Afhayeenka Waaxda Boliska ee magaalladda Rochester ayaa sheegay inay Saraakiil deegaanka gacan ka geyteen baaritaankii ay FBI-da ku sameeyen Dukaanka Towfiq Grocery Store.

Dhinaca kale, Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay inay arkeen 6 gaari oo aan qaarkood Taariko lahayn oo taagnaa albaabka Dukaanka Towfiq Grocery Store, kuwaasi oo ay wateen Saraakiishii baartay Dukaankaasi.

Lama soo sheegin dad laga soo xiray goobtaasi ganacsi oo ay Soomaalida ku leeyihiin magaalladda Rochester.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com