Xog: Suldaanka ugu miisaanka culus Somaliland oo qaatay midnimada SOMALIA (Go’aan culus)

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo uu Maamulka Somaliland ku taamayo hirgalinta hamiga gooni isutaaga ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed C/qaadir.

Suldaanka oo ku sugan Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Somalia ay mid tahay, islamarkaana aysan jirin wax ka weyn Soomaalinimada oo ay gaari karto Somaliland.

Suldaan Maxamed C/qaadir, ayaa sheegay inuu ka qeybgali doono shirka ay isugu imaanayaan Isimada Soomaaliya, isaga oo matalaayo Maamulka Somaliland, taasina ay ka turjumi doonto in Somaliland aysan meel uga go’i Karin Somalia inteeda kale.

Waxa uu sheegay in shirka Isimada Soomaaliya uu yahay mid khuseeya sida loo mideyn lahaa Umada Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay in shirkaasi uu noqon doono mid mirro dhalkiisu yahay guul.

Sidoo kale, Boqor Buurmadow oo ka mid ah Boqorada ugu cadcad Somaliland ayaa ku taageeray Suldaanka fikirka ah in la raadiyo Soomaaliweyn, waase hadii buu yiri ay cadaalad ku jirto.

Haddalada kasoo yeeray labadaani suldaan ee ugu waaweyn Somaliland ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dadaalo lagu xoojinaayo wada-hadalada u socda DF Somalia iyo Maamulka Somaliland oo dhowr jeer fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com